Mu’assasatu Aflax waa goob waxbarasho oo la aasaasay sanadkii 1998, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta aqoonta, tarbiyadda, iyo tayada waxbarasho ee ardayda. aflax waxay si joogto ah uga shaqeysaa bixinta waxbarasho tayo leh, tababaro casri ah, iyo barnaamijyo kor u qaada xirfadaha ardayda si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalka.
Mu’assasatu Aflax waxay ku saleysan tahay qiyamka Islaamka, anshaxa wanaagsan, iyo horumarinta maskaxda iyo dabeecadda ardayga. Waxaan aaminsanahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka qofka iyo bulshada labadaba.
Ku biir safarkeena waxbarasho maanta!

Kani waa koorsada aasaasiga ah ee qof kasta oo raba inuu barto Qur’aanka ka bilaabo eber. Waxaan ardayga ka dhiseynaa sida saxda ah ee:
Koorsadani waxay ku saleysan tahay tallaabo-tallaabo, si qof walba uu u fahmo, ha ahaado qof weyn ama ilmo.
Aayad:
“وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا”
Akhrinta Qur’aanka si tartiib ah waxay ka bilaabataa saxnaanta xarafka.

Koorsadan waa safar Qur’aan oo ruuxi ah. Waxaan ku siinaynaa nidaam fudud oo la hubo, si aad Qur’aanka u barato adigoon daalin. Waxaan ku bixinaynaa:
Xadiis:
قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ:
“تَعَاهَدُوا الْقُرْآنَ، فَوَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ! لَهُوَ أَشَدُّ تَفَلُّتاً مِنَ الإِبِلِ فِي عُقُلِهَا
Qur’aanka waa in mar walba lala shaqeeyo si uusan u lumin.
Koorsadan waxay ku habboon tahay qof kasta oo raba inuu bilaabo xifdiga ama mid horey u waday oo doonaya nidaam xirfadaysan.

Haddii aad leedahay akhrin Qur’aan oo fiican, koorsadan ayaa ku siinaysa heerka ugu sarreeya: Ijaazo leh sanad ku xiran Nabi Muxamed ﷺ. Waxaan ku bari doonaa:
Markaad dhamaysato oo aad tijaabada ka gudubto, waxaad heli doontaa:
✨ Ijaazo rasmi ah
✨ Sanad sharaf leh oo ku xiran Rasuulka ﷺ
✨ Ogolaansho inaad Qur’aan dhigto haddii aad shuruudaha buuxiso
Xadiis:
“خيركم من تعلم القرآن وعلمه”
Kuwa ugu khayr badan waa kuwa barta Qur’aanka oo bara.

Koorsadan waa mid gaar u ah dadka raba inay u gudbaan heerka takhasuska ee Qur’aanka. Waxay u socotaa si nidaamsan oo fudud si ardayga uu u fahmo farqiga u dhexeeya qiraadaha. Waxaad baran doontaa:
Koorsadani waxay kobcinaysaa:
✨ Xifdiga
✨ Akhriska
✨ Fahan Qur’aankeeda
✨ Awoodda macallinimada mustaqbalka
Inaan ardayda barno Qur’aanka Kariimka ah si tayo leh, kuna barbaariyo akhlaaq Islaami ah, edeb, iyo cibaado joogto ah.
Mu’assasatu Aflax waa goob waxbarasho oo la aasaasay sanadkii 1998, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta aqoonta, tarbiyadda, iyo tayada waxbarasho ee ardayda
© 2026 Created with Mu’assasatu Aflax